|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Xoogaga ka soo hor jeeda Dowlada Siyaasada Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Dalka Soomaaliya ayaa guud ahaan gacan ku heeynta Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay la wareegay, iyagoo wax iska caabin ah aysan la kulmin.
Degmada Bardaale oo qiyaasitii 60 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga Beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa wararka ka imaanya waxaa ay sheegayaan in ay gacanku hayteeda ay lawereegeen.
Awaamiirtani lagu soo rogay Degmada Bardaale isla markaana dhaqan galay Xooga Ashabaab ee qabsadey Degmada Berdaale ayaa waxaa ay soo roogen amar ah in laxirida goobaha Aflaanta lagu daawado,joojinta qaadista Canshuuraha,joojinta Goobaha lagu iibiyo Qaadka iyo qaadista jidgooyooyin la soo dhigtay Wadooyinka gala Degmadaasi.
Mid ka mid ah dadka Degmada Bardaale ku nool laguna magacaabo Cabdullaahi Max’ed oo Saxaafada u waramayay ayaa sheegay in Mas,uuliyiinyii Ciidamadida shalay Galinkii danbe soo galay Degmada, isla markaana shacabka la hadlayay ayaa waxaa ay u sheegeen in Degmada Bardaale looga hergaliyi Sharciga Islaamka.
Maamulkii Degmada Bardaale ayaa isaga tagay Degmada Bardaale, kadib markii ay arkeen in gacantooda ay ka baxday Degmadaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale Yoonis Cali Dareer oo Saxaafada u waramayay oo aan la ogeeyn halka uu joogo ayaa ka war bixiyay waxa keenay in ay isaga taganaan isaga iyo Maamulkiisa Degmada Bardaale, waxaana uu sheegay in markii uu ka war helay in ay degmada kusoo wajahanyihiin xoogaga Al shabaab Degmada Berdaale.
|